Xog:- Kumuu Ahaa Ninkii Weerarka Ka Gaystay Gudaha Dalka Faransiiska

Ninkii ku toorriyeey labada gabdhood iyo ninka tan iyo ilaa inta ay ka dhinteen kaniisad ku taal dalka faransiiska ayaa la sheegay in uu ka yimi uun maalmo ka hor dalka Tuniisiya.

Eedeysanahan oo 21-jir ah ayaa watay Dukumenti Laanqeyrta Cas ee Talyaanigu oo la siiyey ka dib markii uu Doon Tahriibayaal ku yimid Jesiiradda Lampedusa ee Talyaaniga bishii la soo dhaafay. Waxaa toogtay booliska, waxa uuna hadda ku sugan xaalad halis ah.

Mid ka mid ah dhibbanayaasha weerarkii Khamiistii ka dhacay Notre-Dame basilica ee magaalada Nice ayaa “gebi ahaanba uu qoorta ka gooyay”.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaana ku tilmaamay falkan “weerar argagixiso oo ay fuliyeen koox islaamiyiin xagjir ah”.

Mr Macron wuxuu sheegay in tirada askarta loo daad gureynayo inay ilaaliyaan goobaha ay bulshada isugu timaado – sida kaniisadaha iyo iskuulada – inay ka kici doonaan 3,000 ilaa 7,000. Dacwad oogayaasha la dagaalanka argagaxisada ayaa furay baadhitaan, Faransiiska ayaa sare u qaaday heeganka amniga qaranka ilaa iyo heerka ugu sarreeya.
Falkan ayaa ka daba imanaya weerar kale oo horraantii bishan ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaal waqooyiga-galbeed ee magaalada Paris. Samuel Paty, oo ah macalin, ayaa qoorta laga jaray maalmo ka dib markii uu tusay kartoon sawirka nabi Muxamed NNKH uu ku sheegay qaar ka mid ah ardaydiisa.

Dilkaas ayaa sare u qaaday xiisadaha ka taagan Faransiiska. Difaaca Mr Macron ee xuquuqda daabacaadda kartoonada iyo iskudayada dowladda ee ku aaddan la dagaalanka islaamka xagjirka ah ayaa ka cadheysiiyay Turkiga iyo wadammo kale oo muslimiin u badan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Ka Qeyb Galaya Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya Iyo Uganda

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Biden Oo Ku Baaqay In La Meel-Mariyo Sharci Lagu Xakameynayo Hubka

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamada Ruushka Oo Gudaha U Galay Dalka Khazakhistan Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Dalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More