Khasaare Kala Duwan Oo Ka Dhashay Dagaal u Dhaxeeya Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda.

Xalay waxaa magaalada Muqdisho muqisho ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowladda gaar ahaan ciidanka booliska iyo kuwa milatariga kaa oo ka dhacay isgooska Tarabuunka ee degmada Hodan.

Dagalkan ayaa yimid kadib markii ciidanka booliska oo howgal lagu dagaalamayo kooxaha burcada ah ee dadka dhibaateeya iyagoo sameeynaya ay isku dhaceen ciidan milari ah oo la sheegay in ay wax dhacayeen.

Inta la xaqiijiyay Waxaa dagaalka ku geeriyooday 3 askari oo katirsan ciidanka milatriga iyo hal askari oo katirsan ciidanka Booliska.

Sidoo kale waxaa la sheegay in uu jiro dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray labada dhinac ee dagaalamay in kastoo aan tiradooda rasmiga ah aan la ogeeyn.

Laamaha amniga wali kama aysan hadlin dagaalkan dhexmaray ciidamadan kawada tirsan dowladda.

Related posts

Dad Ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Kaniisad Kutaalla Dalka Jarmalka

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Sacuudi Carabiya Iyo Syria Oo Dib Usoo Celiyey Xidhiidhkooda

Bnnstaff Bnnstaff

Somaliland Oo Sheegatay In Ay Soo Saaray Qorshe Lagu Xakamaynayo Wararka Been Abuurka Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More