Weerar Dad Lagu Dilay Oo Markale Ka Dhacay Mareykanka

Booliiska magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in wiil 17 jir ah uu dhintay, wiil kale oo 16-sanno jirana uu soo gaaray dhaawac halis ah kaddib markii xalay ay is toogasho ka dhacday agagaarka wadada Nicollet Avenue iyo jidka 18th Street ee Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Wiilashan oo aan weli la sheegin jinsiyaddooda iyo magacyadooda ay booliisku sheegeen in labbo kale oo dhallinyaro ah ay rasaas isku weydaarsadeen guri dabaq ah oo ku yaala agagaarka Nicollet Avenue iyo 18th Street dhexdiisa.

Wiilka dhintay ayaa noqonaya qofkii 45-aad ee sannadkan toogasho lagu dilo magaaladda Minneapolis, waxaana kororka weerarada ka dhacaya Magaalada Minneapolis ay walaac ku abuurtay Soomaalida.

Related posts

Dagaal Sobobay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Muqdisho Ku Dhex Maray Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowlada

Bnnstaff Bnnstaff

Weerar Ay Ku Dhaawacmeed Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Hirshabeele Oo Ka Dhacay Magaalada Jawhar

Bnnstaff Bnnstaff

Taliyaha SSC Abdi Madoobe: “Xoraynta Sool Waxa Noogu Xiga Sanaag Oo Xoog Lagu Haysto..”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More