Weerar Khasaaro Dhaliyey Oo Lagu Qaaday Kolonyo Galbineysay Madaxweyne Afrikaan Ah

Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday kolonyo uu la socday madaxweyana Nigeria Muhammadu Buhari oo marayay gobolka uu kasoo jeedo ee Katsina ee dhaca waqooyiga dalkaas.

Labo qof ayaa ku dhaawacmay weerarka kuwaas oo la socday saraakiisha ilaalada Madaxweynaha, saraakiisha hab maamuska qaabilsan iyo warbaahinta, waxay kolonyada horudhac u ahaayeen safarka madaxweynaha, sida laga soo xigtay Afhayeenka Maaxweynaha Garba Shehu.
Kolonyada ayaa ku wajahnaa magaalada Daura ee uu kasoo jeedo madaxweynaha , Buhari ayaa lagu wadaa in munaasabadda Ciidul Adxa uu dadweynaha halkaa kula dabbaaldego, dableyda ayaa rasaas ku furtay kolonyada.

Militeriga ayaa iska caabiyay weerarka, sida ay sheegtay madaxtooyada. Katsina wuxuu kamid yahay gobollada dhaca waqooy galbeed Nigeria oo ay sida weyn u saameeyeen falalka dambiyeedka ay geystaan kooxaha burcadda ah.

Dad badan ayaa lagu dilay gobolka halka kumanaanna la afduubay tan iyo sannadkii 2015-kii.

Related posts

Maayarka Hargeysa “Waxaan Rajaynaa In Bari Shacabku Nabadooda …

Mustafehaji

Cali Guudlaawe Oo Baaq Ku Aaddan Dib Dhiska Isbitaalka Baladweyne U Diray Dowladda Federaalka

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Cafis U Fidiyay Ku Dhawaad 500 Oo Maxbuus

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More