Dowladda Sweden Oo Sharci Cusub Ku Soo Rogtay Xawaadaha Soomaalida

Dowladda Sweden ayaa xannibtay Akoonnada ay isticmaalaan Xawaaladaha lacaga u dira gudaha Soomaaliya, taasi oo walaac ay ka muujiyeen bulshada Soomaalida ee ku nool dalkaasi.

Tillaabada ay qaaday Dowladda Sweden ayaa lagu sheegay in ay u xannibtay Akoonnada maadaama aysan hubin cida rasmiga ah ee lacaga ay u direen Xawaaladaha, isla markaasna laga yaabo in ay gacanta u galaan Kooxaha Argagixisada.

Soomaalida ku nool dalka Sweden oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in tillaabadani ay caqabad ku tahay lacagihii ay eheladooda ku nool dalka u xawali jireen.

Bulshada Soomaalida ee ku nool dalka dibaddiisa ayaa eheladooda ku nool gudaha dalka u soo dira lacago ay u soo marsiiyaan Xawaadaha, taasi oo qeyb wayn ka qaadatay kobaca dhaqaalaha iyo ka hor tagga faqriga.

Related posts

Raysal Wasaare Rooble Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Baydhabo

Bnnstaff Bnnstaff

War Murtiyeed Laga Saaray Shirka Wadatashiga Qaran Ee Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Dugsiga Sare Ee Ubaya Bini Kacab Ee Magaalada Borama Oo Shahaadooyi Gudoonsiiyay 19 Arday

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More