Xog faahfaahsan Oo Laga Helay ‘Safar Qarsoodi Ah Oo La Sheegay In Uu Farmaajo Ku Tagay Israa’iil’

Wargayska “Times of Israel” ayaa daabacay warbixin uu ka qoray xogta ku saabsan kulan qarsoodi ah oo uu sheegay in uu dhex maray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Kulanka labada hoggaamiye oo markaas xilalka waddamooda hayay ayaa dhacay horaantii sanadkii 2020-kii, sida uu wargayskan Israa’iil laga leeyahay kasoo xigtay diblomaasi hore oo arrintaas ka warhayay.

Sida lagu xisay warbixintan, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bishii February ee sanadkii 2020-kii u duulay magaalada Qudus, isagoo uu wehlinayay Balal Cismaan, oo ahaa wakiilkiisa arrimaha Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Farmaajo iyo Netanyahu ayay suuragal tahay in ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan abuuriska xiriir u dhaxeeya labada waddan, sida uu Wargaysku xusay.

Hase ahaatee, dowladda Soomaaliya iyo dhiggeeda Israa’iil waligood ma shaacin kulan madaxdooda dhex maray iyo in ay xiriirkooda dhisayaan.
“Balse dadaalladaas ma aysan taageereynin dowladdii Mareykanka ee xilligaas uu madaxweynaha ka ahaa Donald Trump, oo aan rabin in uu Soomaaliya kusoo daro arrimaha gobolka,” ayuu yiri diblomaasiga uu soo xigtay wargayska.

Waxa uu sheegay in Trump uu Soomaaliya ku diiddanaa sababo la xiriira Xildhibaannadda Xisbiga Dimiqraaddiga ee sida wayn u dhaliili jirtay, Ilhaan Cumar, oo qaxootinnimo uga timid Soomaaliya.

Diblomaasiga xogtan faafiyay, oo la wareystay maalintii Isniinta, ayaa sidoo kale sheegay in kulan kaas ka horreeyay uu Farmaajo iyo Netanyahu dhexmaray 28-kii bishii November ee sanadkii 2017-kii.

Xilligaas ayay isku arkeen shir ay Nairobi ku yeesheen Netanyahu iyo madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, sida uu sharraxay diblomaasiga oo magaciisa la qariyay.
Kulanka 2017-kii ayaa ku yimid codsiga Benjamin Netanyahu.

Balse ma jiro war kasoo baxay dowladda Kenya oo lagu xaqiijinayo in Netanyahu uu la kulmay Farmaajo.

Afhayeenka xukuumadda Israa’iil ayaan kasoo jawaabin codsi uu wargaysku u diray oo ku saabsanaa in uu ka hadlo mowduucan.

Afhayeenkii hore ee madaxtooyada Soomaaliya ee xilligii Farmaajo oo aan xiriir la sameynay si aan arrintan wax uga waydiinno ayaan weli noo so jawaabin.

Warkan ayaa yimid xilli bishii lasoo dhaafay ay soo baxeen warar kale oo sheegayay in madaxweynaha Soomaaliya ee hadda xilka haya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu safar qarsoodi ah ku tagay Israa’iil, sanadkii 2016-kii.

Hase yeeshee, Villa Soomaaliya kama hadlin arrintaas wali.

Related posts

Muwaadin Soomaali Ah Oo u Geeriyooday Dhaawac Loogu Geystay Turkiga

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Ingiriiska Oo Ku Dhawaad 400 Million Oo Dolar Ugu Deeqaysa Qaar Ka Mid Ah Dalalka Saboolka Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Ganacsatada Qaadka Kenya Oo Dalbaday Dib Soo Celinta Qaadkii Ay Keeni Jireen Dalka Somalia

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More