IGAD Oo Madaxweyne Hore u Magacowday Hoggaamiyaha Goob-Joogayaasha Doorashada Kenya

Urur-goboleedka IGAD ayaa u magacaabay Dr Mulatu Teshome, madaxweynihii hore ee Itoobiya, inuu hogaamiyo ergada goob-joogayaasha doorashada Kenya ee soo socota.

Ergadda uu hoggaaminaayo ninkaan ayaa dhawaan gaari doona Nairobi.

Sababta loo magacaabay ayaa lagu sheegay in ay tahay si wadajir ah loo korjoogteeyo doorashada loogana hortaggo in uu muran ka dhasho.

Doorashada Madaxtinimada Kenya ayaa dhici doonta bilowga bisha soo socota.

Dr. Mulatu oo xilka hayey 2013 illaa 2018 ayaa madax u ah kooxdan oo Nairobi ku tageysa martiqaadka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee Kenya (IEBC)

Related posts

Liiska Xildhibaanada Cusub Oo La Shaaciyay Iyo Fahad Yasiin Oo Laga Reebay

Bnnstaff Bnnstaff

“Hooyadayba Haraad u Bakhtiyayse Maxaa Iga Galey Doorasahda Ta Soo Horeynaysa” Yuusuf Shaacir Oo Ka Hadlay Xaalada Abaareed Ee Dalka

Bnnstaff Bnnstaff

Shacabka Magaalada Muqdisho Ka Dareen Celiyay Guusha Ay Somaliya Ka Gaadhay Kiiskii Bada

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More