Dowladda Soomaaliya Oo Dalalka Zambia Iyo Gambia Kala Hadashay Xoojinta Xidhiidhka

Sii-hayaha Wasiirka, ahna Wasiir dawlaha Wasaaradda Arimaha Dibada Soomaaliya Balal Mohamed Cusman iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Is-dhexgalka Gobolka ee u qaabilsan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ee Jamhuuriyada Ghana, Kwaku Ampratwum-Sarpong ayaa kulan ku yeeshey magaalada Lusaka ee dalka Zambia.

Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada wadan.
Dhinaca kale, Wasiir Balal ayaa la kulmay dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Jamhuuriyadda Gambia Dr. Mamadou Tangram, kulankaan ayaa isna ka dhacay magaalada Lusaka ee dalkaas Zambia.

Kulankaa labada wasiir ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Kulankaan ayaa yimid kadib markii uu soo idlaaday shirka 41-aad ee caadiga ah oo ay bartamaha sanad kasta isku arkaan golaha fulinta Midowga Africa, kaasi oo sanadkan ka furmay caasimadda Lusaka ee dalka Zambia, waxaana Soomaaliya uga qayb galay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Wasiiru dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Related posts

Muuse Biixi Wuxuu Qabyaalad Ku Sitaa PHD,Waxaa La Samayn-Doona Dawlad Kumeel-Gaadha…”Faysal Cali Waraabe

Bnnstaff Bnnstaff

Booliska Somaliya Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Askari Dilay Iyo Hub Ay Dhalinyaro Adeegsanaysay

Bnnstaff Bnnstaff

Akhriso:-Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Dalka Itoobiya Oo Cakiran

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More