Raysal Wasaare Xamse Barre Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Ingiriiska Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa Maanta oo sabti ah waxaa uu xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee Kate Foster.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Xamse Barre iyo Safiir Kate Foster ayaa waxaa looga hadlat Arrimo ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xamse Barre.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa isla soo qaaday dardar-galinta barnaamijyadda horumarineed ee dowladda Britain ka tageerto Soomaaliya ee leh dhinacyada kala duwan sida gargaarka iyo amniga.

Dowladda Ingiriiska ayaa kamid ah dowladdaha taageera dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana UK ay tababaro siisaa Ciidabka dowladda, sidoo kalena mashaariic ka fulisa qaar kamid ah dowlad Goboleedyada dalka.

Related posts

Mareykanka Oo War Kasoo Saaray Duqeyn Diyaaradeed Uu Ka Fuliyey Gobolka Hiiraan

Bnnstaff Bnnstaff

Saddex Ka Mid Ah Dalalka Geeska Afrika Oo Ka Shiray Isku Xirka Xuduudaha

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Qaabilay Wafti Ka Socda Midowga Yurub Iyo Dalka Uk

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More