Qarax Ciidan Lala Beegsaday Oo Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdiosho

Qarax aad u xooggan ayaa goordhaweyd ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan Qaraxaasi.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga Maqlay xaafado iyo degmooyin ka tirsan Gobolkaani Banaadir ayaa ka dhacay Xaafadda Cali-kamiin ee degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.
Wararku waxaa ay tilmaamayaan in Qaraxa lala beegsaday Ciidamo ka Tirsan ATMIS oo sida la sheegay waddada marayay goorta Qaraxu dhacayay, dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Qaraxa kadib ay Ciidanka qaraxa lala-eegtay ay rasaas badan rideen.

Lama soo warin khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi, waxaana goobta gaaray Ciidamo badan oo ka tirsan laamaha ammaanka.

 

Related posts

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo War Ka Soo Saaray Go’aankii Ay Maxkamada Sare Soo Saartay

Bnnstaff Bnnstaff

”Waxa Ka Socda Laascaanood Waxba Igama Galin Madhihi Karo Waa Arin Naquseysa” Madaxweyne Xasan Sheekh

Bnnstaff Bnnstaff

Taliska Booliska Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Dilka Loo Geystay Sakariye Iyo Sowdo Kalafoge

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More