Duulimaadyada Garoonka Diyaaradaha Ee Aden Cadde Oo Dib U Billowday

Duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa dib u bilowday kadib markii ay saacad iyo dheeraad hakad ku jireen.

Diyaarad rakaaba oo ka timid Baydhabo ayaa barqadii ku dhacday garoonka, taasoo xanibtay dulimaadyada diyaaraddihii garoonka ka bixi laha ama soo cago dhigan lahaa.
Dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda dhacday ayaa ka badbaaday shilka diyaaradeed.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya Axmed Macalin ayaa BBC-da u sheegay in la nadiifiyay goobtii ay ku dhacday diyaaradda isla markaana ay si caadiya u bilowdeen duulimaadyadii garoonka Aden Cabdulle.

Axmed waxa kale oo uu sheegay in la bilaabi doono baaritaanka sababihii keenay dhicitaanka diyaaradda.

Related posts

“Waxaan U Sharaxanaya Jagada Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Waddani” Siyaasi Cabdilaahi Dahab.

Bnnstaff Bnnstaff

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Yeelanaya Kulan Muhiim Ah Iyo Waxyaabaha Lagag Hadlayo Kulankaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Kulamo Gaar Ah La Yeeshay Saraakiisha Ciidamada

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More