Maxaa Lagu Doortaa Jaadka Kenya Oo Uusan Lahayn Kan Itoobiya?

Qaadku waa dhir, Caleentiisa iyo jirridiisaba waxaa loo isticmaalaa maandooriye ahaan iyo daawo ahaanba.

Caleemaha iyo jiridda waxaa cuna dadka ku nool Bariga Afrika iyo dalalka Carabta.

Marka ay noqoto daawo ahaanta, caleenta qaadka waxaa loo isticmaalaa daalka, cayilka badan, boogaha caloosha, iyo dhalmo-la’aanta ragga.

Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO wuxuu qaadka ku daray liiska daroogada.

Soomaaliya, isticmaalka qaadka ee shacabka iyo ciidamada ayaa lagu eedeeyaa inay hurinayaan colaadaha sokeeye, iyo dabar-goynta dhaqaalihii waddanka.

Soomaaliya waxaa la geeyaa qaadka ka baxa dalalka Kenya iyo Itoobiya, iyadoo dhowaan la fasaxay kan Kenya kaddib markii muddo uu xayirnaa.

Dowladdii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xayiraad ku soo rogtay diyaaradihii Kenya ee Soomaaliya aadi jiray sababo la xiriira fayraska Koroona, balse markii uu dhamaaday xanuunka dib looma furin duullimaadyada, waxayna taasi sababtay inuu istaago qaadkii Kenya ee Soomaaliya loo dhoofin jiray.

Hase yeeshee, dhowaan ayuu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku yimid Kenya dib u fasaxay qaadka in la geeyo Soomaaliya.

Intii uu xayirnaa qaadka Kenya waxaa Soomaaliya la geyn jiray qaadka Itoobiya oo loo yaqaanno Laari/Hareeri.
Haddaba markii la fasaxay jaadka Kenya ayaa waxaa soo ifbaxday dood ka dhalatay farqiga u dhaxeeya qaadka Kenya iyo Itoobiya, iyadoo labada dhinac ay ku doodayaan in midba midka kale uu ka fiican yahay.

BBC-da ayaa u kuur-gashay farqiga u dhaxeeya labada qaad iyo doodaha ay dadku ka kala qabaan.

Farqiga u dhaxeeya Hareeriga iyo Laariga
1: Waqtiga uu ku hallaabo

Marka laga hadlayo waqtiga uu ku hallaabo qaadka, dadka gada ama cuna waxay sheegayaan in qaadka Kenya uu dhaqso ku hallaabo marka loo barbar-dhigo kan Itoobiya laga ka baxa ee la geeyo Soomaaliya.

2: Mirqaanka

Khuburrada ayaasheegta in marka la eegayo mirqaanka uu qofba mid door bido.

Dadka qaar waxay sheegayaan in sunta ku jirta qaadka Laariga ee Kenya ay aad u kulushahay.

Qof ay BBC-da la xiriirtay oo magaciisa ka gaabsaday ayaa yiri “Marka aad qaadka Kenya cunto oo fadhigiisa aad ka kacdo, mirqaankiisa iyo saameyntiisa kaama hareyso halka kan Itoobiya uu yahay sida qudaarta oo kale oo markaad cunto kaddib aad caadi u seexan karto. Laakiin, mirqaan ahaan waxay dadku aad ugu mirqaamaan kan Kenya ee Laariga loo yaqaano.”

3: Qiimaha

Qiimo ahaan waxay dadka aan la xiriirnay noo sheegeen in qaadka Kenya ka baxa ee Soomaaliya la geeyo uu ka qaalisan yahay kan Itoobiya.

Hase yeeshee, Fardowsa oo ka mid ah dadka qaadka ku iibiya Muqdisho ayaa sheegeysa in marka loo barbardhigo qaadka ay hadda iibiso ee Itoobiya iyo kan Kenya uu jeebka dadka uu fiican yahay kan ay hadda gaddo.

“Qiimaha qaadka aan gado ee Itoobiya waxaan mijintii gadaa 10 doollar halka kii Kenya aan gadi jiray mijintii 8 doollar,” ayay tiri.

Fardowso ayaa sababta ku sheegtay in qaadka Itoobiya ee Muqdisho la keeno uu hal qof u xiran yahay, laakiin haddii la furo suuqa ay suurtagal tahay inuu raqiis noqdo.

4: Dhaqaalaha laga helo

Fardowso Faarax oo Muqdisho joogta kana mid ah dadka ka ganacsada qaadka ayaa sheegtay in markii la joojiyay qaadka Kenya ay la soo deristay dhaqaalo-xumo.

“Intii aan gadayay qaadka Itoobiya biilkii ayaa igu adkaaday, ilmo ayaan jaamacad ka bixin jiray, guryo baan ka dhistay intii aan gadayay qaadka Kenya.”

Waxay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in dib loo billaabo duullimaadka diyaaradaha qaadka.

“Biilka biyaha, iyo kirada meeshii aan ku shaqeysanayay waan iska bixin waayay”, ayay tiri Fardowso.

Related posts

Dowlada Kenya Oo Ciidamo La Dagaalama Mucaaradka u Dirtay Dalka Congo

Bnnstaff Bnnstaff

Warbixin Xiiso Leh Oo Laga Diyaariyay Xaalada Ceelka Caanka Ah Ee Caynabo

Bnnstaff Bnnstaff

Xafiiska Kaydka Qaranka Oo Baadigoobaya Xogta Isgaadhsiinta Ee Shaqaalihii Aqalka Cad Ee Xilligii Trump

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More