Dowladda Soomaaliya Oo Laga Taageerayo Dib U Heshiisiinta Iyo Nabadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, Suldaan Saciid Axmed, oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka dalka Finland, ahna Ergayga cusub ee Finland u qaabilsan nabaddeynta Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xildhibaanka kala hadlay kaalinta dowladda Finland ee ku aaddan taageerada barnaamijka xukuumadda ee dib u heshiisiinta iyo nabadda.

Mudane Suldaan Saciid Axmed, oo ah qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee loo doorto baarlamaanka Finland, ayaa dhowaan waxaa loo magacaabay xilka cusub ee ah in wasaaradda arrimaha dibedda ee Finland uu u qaabilsanaado nabadeynta iyo dhexdhexaadinta gobolka Geeska Afrika.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuled ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Mehmet YILMAZ, oo ay ka wada hadaleen xoojinta xiriirka qotoda dheer ee labada dal iyo sidii loo dardargalin lahaa heshiisyadii ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Turkiga.

Labada mas’uul ayaa isku afgartay waxyaabaha ay kulankooda kaga wada hadleen.

Related posts

Dayax Madoobadka Maxaa Keena, Ma Lasii Ogaan Karaa? Sheekh Cabdirahmaan Bashiir

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Maaliyadda Oo Liibiya Kala Hadlay Deyn Cafinta Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Ciyaaryahanka Pogba Oo Ka Fadhiistay U Ciyaarida Xulka Faransiiska

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More