Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayey Oo Gaaray Magaalada Arusha Ee Dalka Tanzaaniya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayey oo barqanimadii Maanta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, ayaa gaaray magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Arusha kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Tansaaniya, waxaana intaas kadib Madaxweynaha loo galbiyey dhinaca Xarunta Madaxtooyada dalkaas.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Arusha uga qeyb galaya Shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isla markaana waxaa uu Xasan madaxda dalalkaas uga warbixin doonaa fursadaha dhaqaale ee dalkeenna, gaar ahaan dhanka waxsoosaarka, maalgashiga iyo dadaallada dhiirri-gelinta mudan ee ganacsatada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dalladda Bulshada Geeska Afrika (EAC) waxaa ku mideysan 7-dal oo uu ka dhexeeyo hal Baasaboor iyo suuq muhiim u ah Gobolka, kuwaas oo kala ah; Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudan, Uganda iyo Tansaaniya.

Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii 2016-kii waxa ay gudbisay codsiga ka mid noqoshada dalladan, si loo xaqiijiyo fududeynta socdaalka dadka Soomaaliyeed, suuq-geynta wax-soosaarkooda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Related posts

Qaramada Midoobay Shaacisay In Isbaddalka Cimilada Uu Saameyn Ku Yeeshay Carruurta Soomaaliyeed

Bnnstaff Bnnstaff

Dagaal Ka Dhex Qarxay Taaliban Iyo Daacish Iyo Xubno Ka Tirsan Daacish Oo La Laayay

Bnnstaff Bnnstaff

Raysa Wasaare Rooble Oo Digniin U Diray Shacabka Ku Nool Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More