Isbaheysi Ka Dhan Ah Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-Gareen Oo Looga Dhawaaqay Muqdisho

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Isbaheysi siyaasadeed oo loogu magac daray Golaha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib kulan ay yeesheen siyaasiyiin iyo dhallinyaro farabadan oo kasoo jeeda Maamulkaas.

Isbaheysigaan oo ka dhan ah Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa ku mideysan Madax hore, Xildhibaano hore, Siyaasiyiin iyo dhalinyaro, kuwaasi oo qaarkood ku jiraan xubno siyaasiyiin ah oo loo soo diiday kuraas Xildhibaanimo.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Golaha shacabka Muudeey, Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Shariif Xasan, Sii-hayaha xilka Wasiirka Haweenka Soomaaliya Xaniifa Xaabade iyo xubno kale oo farabadan ayaa kasoo muuqday Madasha lagu dhawaaqay.
Siyaasiyiinta ku jira Isbaheysiga looga horjeedo Madaxweyne Lafta-gareen oo kulanka ku dhawaaqdista Isbaheysiga ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in muddo xileedka Lafta-gareen ay ku egtahay dhammaadka sanadkaan, balse isago waxa uu ku doodayaa in sanadka danbe dhamaadkiisa uu xilkiisa ku egyahay.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta ku jira madasha ayaa waxaa kuraas Xildhibaanimo kasoo waayay dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana kamid ah Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jawaari, Guddoomiye Muudey, Shariif Xasan, Xaniifa Xaabade iyo xubno kale.

Si kastaba ha’ahaatee ku dhawaaqista Isbaheysigan cusub ee loogu magac daray Golaha Samata-bixinta Koofur Galbeed ayaa ku soo beegmay, iyada oo Maanta uu dib ugu soo laabtay Muqdisho Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Related posts

Xal Laga Gaadhay Khilaaf Sobobay Hakad Ku Yimd Shaqada Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Maxaa Ka Jira Inay Al-Shabaab Adeegsato Diyaaradaha Aanu Duuliyaha Saarneyn?

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Afganistan Oo Pakistan Ka Dalbatay In Ay Ka Taageerto Qorshaha Nabadaynta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More