Borama News Network

43 Qof Oo Lagu La’Yahay Doon Ku Qarriqantay Meel u Dhaw Garisa

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya, in ugu yaraan 43 qof oo rabay in ay doon uga gudbaan wabiga Tana River la la’yahay raq iyo ruux.

Dadkaan ayaa marki hore kasoo baxay magaalada Nairobi, ayaa doon ka raacay deegaanka Kona Punda oo u dhow jidka isku xira magaalada Gaarisa iyo degaanka Madogo ee gobolka Waqooyiga Bari Kenya.

Aaggaasi ayaa waxaa isku darsamay daadad ka dhashay roobab mahiigaan ahaa oo maalmahan ka da’ayay Kenya iyo wabiga Tana oo karkaarrada jabsaday. Hadddaba, wararki ugu danbeeyay ee xaaladdaasi ayaa Nur Hassan Nur uu ka wareystay, wariyaha VOA-da ee gobolka Waqooyi Bari Maxamed Farax Shire.

 

Related posts

Axmed Madoobe Oo Isaga Baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka Dibna Ugu Laabtay Magaalada Kismaayo

Abdiaziz Bnnstaff

” Saddexda Qof Ee Saaka Hadlay Waxba Kama Jiraan, Waddanina Wuxuu Wakiil u Yahay Xasan Sheekh ” Wasiir Cabdinaasir ‘ Buuni ‘.

Abdiaziz Bnnstaff

Shiikh Shariif” Waa nasiib daro in Xasan inta Baarlamanka hortago uu yiraahdo Bilaha fasaxa shaqeya

Abdiaziz Bnnstaff