Ciidanka Dowlad Degaanka Oo Heegan Buuxa La Galiyay Kadib Dagaalkii Al-Shabaab

Waxaa jirta feejignaan sare oo la galiyay hay’adaha ammaanka ee Dowlad-deegaanka kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xadka deegaanka Soomaalida uu la wadaago gobolka Hiiraan ay ka soo tallaabeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo damacsan in ay gudaha u galaan deegaanka Soomaalida.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa BBC-da u xaqiijiyay arrintaas.
Wuxuu sheegay in dadka deegaanka ay u sheegeen in dagaalyahanno lagu qiyaasay 200 ay ka tallaabeen dhanka gobolka Hiiraan, isla markaana ay u ruqaansadeen dhanka Itoobiya.

“Markii aan dadka waydiinnay waxay noo sheegeen in ilaa 200 oo nin ay ku dhow yihiin tiro ahaan” ayuu yiri Cali Jeyte.

Wuxuu intaa ku daray in ciidamada Dowlad-deegaanka Soomaalida iyo kuwa Soomaaliya ay si wadajir ah ula dagaallamayaan Al-Shabaab.

Related posts

Daraasad Cusub:- Bunka Oo La Ogaaday In Uu Yareyn Karo Halista Cudurrada Ku Dhaca Beerka

Bnnstaff Bnnstaff

“Madaxwaymaha Waa Loo Kordhinayaa Muddo Xileedkiisa Hadii Ay Duruufi Timaado” Xildhibaan Jamaal

Bnnstaff Bnnstaff

“Dawlad Iyadiiba Dagaal Ku Abaabulaysa Beelihii Weli Inamay Soo Marin ” Xildhibaan Maxamed Abiib

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More