Madaxweyne Kim Jong Un Oo Ku Dhawaaqay Inuu Isku Difaacayo Hubka Nukliyeerka

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in dalkiisa “diyaar u yahay inuu Nukliyeer isku difaaco” haddii mustaqbalka isku dhac militari uu dhexmaro ayaga iyo Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Washington iyo Seoul ayaa marar badan ka digay in Pyongyang ay diyaarineyso inay fuliso tijaabadeedii toddobaad ee Nukliyeer, tallaabadaas oo Mareykanka ay ka digeen inay horseedi doonto jawaab “deg deg ah oo xoog badan.”

Khudbaddii ugu dambeysay ee Kim uu jeediyo ee lagu xusayey heshiiskii lagu soo afjaray Dagaalkii Korea, taasi oo Kuuriyada Waqooyi looga yaqaan “Maalinta Guusha”, ayuu ku sheegay in ciidamada dalkiisa “ay sii buuxda diyaar ugu yihiin” xasarad kasta.
“Ka hortagga dagaal Nukliyeer ee dalkeena waa u diyaar in la abaabulo, waana awood xooga badan,” ayuu Kim ku yiri khudbadda uu jeediyey Arbacadii oo ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Pyongyang ee KCNA.

Kim oo munaasabadda 69 guurada dhammaadkii dagaalkii 1950-53 kula hadlayey askartii ka qeyb gashay ayaa adkeeyey “u diyaar ahaanshaha dalkiisa ee inuu meel iska saaro Mareykanka haddii ay isku dhacaan.”

Hanjabaadda Kim ayaa imaneysa ayada oo Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ay sare u qaadeen dhoolatusyada militari ee mar kasta ka careysiiya Kuuriyada Waqooyi maadaama Pyongyang ay u argato isku diyaarin duulaan ka dhan ah.

Related posts

Ururka Bilaal Foundation Oo Geedo Ku Soo Beeray Xarunta Caafimaadka Ee Deegaanka Jirjir

Bnnstaff Bnnstaff

Afganistan:- Askar Badan Oo Ku Dhimatay Qarax Lala Eegtay Xero Ciidan Iyo Tirada Askarta Dhimatay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Uk Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More