Axmed Madoobe Iyo Waare Oo Isaga Baxay Kulan Ka Socday Madaxtooyada Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Shirka Muqdisho ee Madaxtooyada Soomaaliya maalintii Afaraad uga socda madaxweyanha Soomaaliya Maxamed cabdullahi Farmajo iyo madaxda Maamul gobleedayad iyo gobolka Banaadir ayaa lugta la galay marxalad kale oo adag kadib markii an xogta ku helnay in qaar akmdia h madaxda ay shirka isaga baxeen.

Wuxuu markii horeba shirka ku bilowday kala aragti duwanaan madaxda u dhaxeysay oo ku sabsan qodobada laga doodayay ee arrimaha salka ku hayay doorashooyinka dalka.

Waxaase labbadii maalin ee u horreysay xal loo helay in la isla fahmay dib ugu laabasho lagu sameeyo heshiskii Dhuusamareeb saddex iyo in shirka uu Muqdisho ka sii socdo iyadoo markii hore madaxda qaar ku doodayaan haddii heshiiskaas dib loogu noqonayo la aado magaalada Dhuusamareeb.

Qorshaha Sacaacadihii u horreeyay ee shirka Muqdisho ka socda wuxuu ahaa in is faham la gaaro lana soo saaro qodobada heshiiska Taladadii shalay , balse ma noqon oo waxaa la isku fahmi waayay qodobo ay kamid yihiin kaalinta guddiga doorahsooyinka ee hadda jira iyo go’aan ka gaarista magaalooyinka ay doorashada xildhibanada ka dhaceyso.

Illo wareedyo ku dhaw madaxtooyada Soomaaliya ayaa KNN u sheegay in maanta shirka lagu balansanaa dood adag balse uusan gabi ahaan tagin madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni , halka muddo kooban oo ay shirka joogeen kadib isla manta iyaguna isga baxeen madaxwyenayaasha Jubbaland iyo Hirshabeelle, dhamaan waxaa lagu sababeeyay in ay salka ku heyso khilaafka madaxda ee qodobada laga doodayo.

Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in inta badan madaxda Mamaul goboeldyada ay kamideysan yihiin in guddiga doorashooyinka meesha laga saaro, baadalkeedna ay iyagu mamalka wax ku yeeshaan la magacaabo guddi wada jir ah, balse uu diidan yahay madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmajo iyo madaxda dowlad goboleedyada isku racaeen in aysan suurto gal ahayn nidaamka xibsiyadda badan ee u qornaa heshiiskii Dhuusamareeb saddex.

Lama oga sida uu ku dambeyn doono shirkaan lagu kala arragti duwanaaday ee ka socda Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa isha ku haya dhammaan daneeyaasha siyaasadda Soomaaliya sida siyaasiyiinta mucaaradka, urrurada rayidka iyo beesha caalamka.

Xafiiska Warark BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Saajin Waxaan Leeyahay Yaan La Isku Kiin Garaacin Adiga Iyo Saajin Ee U Tanaasul” Xildhibaan Obsiiye

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynihii Hore Ee Puntland Cabdiwali Gaas Oo Dalab U Diray Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

“Maxamuud Xaashi Waa Masuul Si Qaldan Uga Faa’idaystay Hantida Umada” Masuul Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More