Amniga Magaalada Baydhabo Oo Si Weyn Loo Adkeeyay Ka Dib Qaraxii Ka Dhacay Iyo Howlgallo Ka Socda

Wararka saaka ka imaanaya Baydhabo ayaa sheegaya in si weyn loo adkeeyey amniga magaaladaasi oo xarun KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamo dheeraad ah ayaa la dhigay waddooyinka magaalada oo dhan, si ay amniga u xaqiijiyaan, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab ay bilaabeen in qaraxyo ay ka geystaan magaalooyinka.

Magaalada maanta waxaa aas aas qaran loogu sameyn doonnaa Wasiirkii Cadaaladda ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Sheekh Xasan Ibrahim Lugbuur iyo wiil uu dhalay ayaa shalay lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Baydhaba.

Magaalooyinka maamulka Koonfur Galbeed Sida Baydhabo, Afgooye iyo Marko ayaa waxaa ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay Qaraxyo ay dad badan ku dhinteen.

 

Related posts

Congo oo laga helay xabaaloWadareedyo Lagu Aasay 49 Qof, Ka Dib Dagaaladii Dhowaan Halkaas Ka Dhacay

Bnnstaff Bnnstaff

Shirka Madaxda IGAD Oo Ka Furmaya Dalka Jabuuti Iyo Qodobada Diirada Lagu Saarayo

Bnnstaff Bnnstaff

Sargaal Ka Tirsanaa Ciidanka Xooga Dalka Somaliyeed Oo Saaka Lagu Dilay Magaalada Muqdisho Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxay Dilkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More