Deg Deg:- Baadari Faransiis Ah Oo Lagu Toogtay Gudaha Dalkaasi

Booliska ayaa sheegay in wadaad ka tirsan mad-habka Orthodox-ka  toogasho lagu dhaacaway magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.
Xog warfidiyeenku ka heleen booliska ayaa sheegtay in qofkii falkaa geystay goobta ka baxsaday.
Wasiirka arimaha gudaha Faransiiska, ayaa qoraal uu Twitter-ka ku faafiyey ku sheegay in dhacdo halis ahi haatan dhacday, laakiin wax faahfaahin ah kama uu bixin waxa dhacay.
Toogashadu waxay dhacday qiyaastii 4 galabnimo wakhtiga Faransiiska, makraas oo wadaadku kaniisada xidhayey, sida ay warbaahinta maxaliga ahi sheegtay.
Qof ka tirsan booliska oo wakaaladda wararka ee AFP soo xigatay ayaa sheegay in ninka weerarka geystay sitay qori shoodh-gan ah.
Wadaadka ayaa la sheegay in xaaladiisu ba’antahay, waxaanay wakaaladda wararku ku waramaysaa in Laga dawaynayo “dhaawacyo uu u dhiman karo”.
Wixii warar ah ee dhacdadan ka soo kordha halkan kala soco.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Nuxurka Qudbad Uu Madaxwayne Deni Ka Jeediyay Munaasibad Lagu Xusayay Sanadkiisa Labaad Ee Xukuumadiisa

Bnnstaff Bnnstaff

Maraakiib Iyo Doonyo Ay Leeyihiin Dalal Shisheeye Oo Ku Xayiran Xeebaha Boosaaso Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasi Cali Guray Oo Shaaciyay In Ay Beesha Caalamku Ka Niyad Jabtay Hogaaminta Muuse Biixi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More