Nin Soomaali Ah Oo Uu Mareykanka Si Wayn u Raadinayay Oo Kenya Lagu Qabtay

Laanta Dambi-baarista dalka Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo DCI ayaa shaacisay in howlgal ay fuliyeen cutub ka tirsan ciidanka la dagaallanka dambiyada halista ah ay soo xireen Cabdi Xuseen Axmed oo sidoo kale loo yaqaanno “Abuu Khaadi”, oo ay eedeysane ay si wayn u raadinaysay dowladda Mareyknaka.

Xarigga Cabdi Xuseen Axmed ayaa yimid ku dhawaad labo bilood kaddib markii gacanta lagu dhigay nin kale ay isla shaqysanayeen oo la yiraahdo Badru Cabdul Casiis Saalax, kaas oo la qabtay 31-kii bishii May ee sanadkan 2022-ka.

Xilligaas waxa ay ahayd hal isbuuc kaddib markii Mareykanku uu ku dhawaaqay in lacag malaayiin doolar ah lagu abaalmarinayo ciddii soo qabata eedeysaneyaashan.

Ninkan ayaa loo haystaa dambiyo ku saabsan kala gudbinta daroogada iyo xayawaan duur joog ah, sida lagu sheegay bayan kasoo baxay laanta Dambi-baarista Kenya.

Mareykanka ayaa Cabdi Xuseen madixiisa dul dhigay abaal-marin dhan hal milyan oo doolar oo loo ballanqaaday in la siiyo qofkii keena macluumaad lagu soo qaban karo.

Related posts

Dowladda Soomaaliya Oo Dalalka Zambia Iyo Gambia Kala Hadashay Xoojinta Xidhiidhka

Bnnstaff Bnnstaff

Prof Axmed Ismaciil Samatar Oo Ku Dhawaaqay Urur Siyaasadeed La Magac Baxay Hilaac

Bnnstaff Bnnstaff

“Safarkan Waxa Uu Ahaa Mid Guul Ah Cadawga Somaliland Wuxuu U Ahaa Mid Dhabar Jab Ah” Madaxweyne Muuse Biixi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More