Golaha Aqalka Senate-ka Maraykanka Oo Ansixiyey Xubinimada Sweden Iyo Finland Ee NATO

Aqalka Senate-ka ee dalka Maraykanka ayaa ansixiyey xubinimada dalalka Sweden iyo Finland ee gaashaanbuurta NATO, waxaana codsiga ku biiritaanka labadan dal oggolaaday 95 mudane, halka uu diiday hal xildhibaan.

Tallaabadan ayaa diraysa fariin adag oo muujinaysa sida labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadigu uga midaysan yihiin siyaasadda ku aaddan ku biirista labadan dal iyo weliba in laga hortago dullaanka Ruushka.

“Codka NATO waa cod aad muhiim ugu ah amniga dalka Maraykanka iyo xasiloonida guud ee caalamka oo dhan, sidaas awgeed xubinimada Finland iyo Sweden waxay sii xoojinaysaa gaashaanbuurta NATO, taasoo ah ka hortag degdeg ah oo ku aaddan daandaansiga Ruushka iyo weliba duullaanka uu ku qaaday Ukraine” sidaas waxaa yidhi hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha Senate-ka Chuch Schumer.

Maraykanku waa mid ka mid ah 30-ka dal ee xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO ee ku qasban inay ansixiyaan xubinimada dalalka Sweden iyo Finland. Isbahaysigan ayaa dammaanad qaaday amniga Yurub, 70-kii sano ee ugu dambeeyey.

Related posts

Puntland Oo Gaadiidka Bajaajta Ka Mamnuucday Waddo Muhiim Ah Oo Ku Taalla Magaalada Garoowe

Bnnstaff Bnnstaff

Hooyo La Daaalaa Dhacaysa Xaalada Aad U Adag Iyo Waayaha Noloshada Oo Baaq U Dirtay Bulshada

Bnnstaff Bnnstaff

Booliska SomalilandMarkii Ugu Horaysay War Ka Soo Saaray Xadhiga Murashaxiinta Sheegayn In Kuwo Kale Lagu Raad Joogo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More