Maraakiibta Dagaalka Ee Mareykanka Oo u Dhaqaaqay Dhinaca Taiwan

Taliska Ciidamada Badda ee Mareykanka ayaa sheegay in markabka diyaaradaha xambaarsan ee lagu magacaabo USS Ronald Reagan uu ku wajahan yahay biyaha dhinaca koonfur-bari ee Taiwan.

“Markabka USS Ronald Reagan iyo kooxdiisa weerarrada fuliya waxay ka shaqaynayaan badda Philippine, waxayna wadaan howlahooda caadiga ah. Waxaa qorshaha ugu jira howlgallo qayb ka ah roondada caadiga u ah markabkan oo uu ku taageero sidii xor looga dhigi lahaa ayna u furnaan lahaayeen biyaha Indo-Pacific,” ayaa lagu yiri war uu maanta soo saaray afhayeenka ciidanka badda ee Mareykanka.

Arrintan ayaa kusoo aadday xilli maanta uu Shiinaha howlgal dhoollatus militeri ah ka billaabay biyaha ku hareereysan Taiwan, oo saaxiib dhow la ah Mareykanka.

Labada dal ee quwadaha waawayn ayaa marar badan hanjabaado isugu jeediyay arrinta la xiriirta Taiwan.

Related posts

Xisbiga Oramada Ee OFC Oo Ku Baaqay In Itoobiya Laga Dhiso Dowlada Ku Meel Gaadh Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Xukun Dil Toogasho oo lagu Riday Askari Ka Tirsan Ciidamada dawlada Soomaliya oo Dilay Qof Shacab ah

Bnnstaff Bnnstaff

Tunisia Oo Faragelin Aan La Aqbali Karin’ Ku Tilmaantay Hadal Kasoo Yeeray Madaxwayne Erdogan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More