Taiwan Oo Qaadday Tallaabo Ay Uga Jawaabayso Gantaallada Uu Riday Shiinaha

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Tiwan ayaa sheegay in ay howl geliyeen hubkooda difaaca hawada, taasoo ay uga jawaabayaan gantaallo uu dhankooda usoo riday Shiinaha.

Wakaaladda Wararka ee Reuters oo shaacisay arrintan ayaa tebisay in dhoollatuska militeri ee Beijing uu socon doono ilaa maalinta Axadda ah.

Shiinaha ayaa ayaa ku dhawaaqay inuu dhoollatusyo militeri oo aad u waawayn ka sameyn doono hawada iyo badda ku dhow Tiwan, si uu jawaab uga dhigo booqashadii ay halkaas ku tagtay Afhayeenka Golaha Wakiillada Mareyknaka, Nancy Pelocy.

Dhoollatuska waxaa qayb ka ahaan doona dabrid toos ah oo laga samayn doono meelo aan la cayimin.

Pelosi ayaa hadda ku sugan waddanka Kuuriyada Koonfureed, halkaas oo ay kula kulmayso Afhayeenka Baarlamaanka dalkaas, Kim Jin-pyo.

Related posts

Dhacdo Naxdin Leh:- Nin Habeenkii Arooskiisa Geeriyooday Iyo Siday Wax U Dheceen

Bnnstaff Bnnstaff

“Waxaa iigu Yaab Badnaa Markii Aan Tacsidayda Arkay” Fanaanka Qamar Suugaani

Bnnstaff Bnnstaff

Fah Faahin: Mas’uul Ka Tirsanaa Koonfur Galbeed Oo Lagu Dhex Dilay Xarun Caafimaad

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More