Mareykanka Oo si Adag Uga Hadlay Dhoolatuska Milateri Ee Shiinaha Uu ka Wado Taiwan

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka, Antony Blinken ayaa sheegay in dhibaato kasta oo ka dhalata xiisadda Taiwan ay noqon doonto mid uu Shiinuhu mas’uul ka yahay.

“Waxaan aad u rajeynayaa in Beijing aysan abuuri doonin qalalaase ama aysan raadin doonin marmarsiyo si ay u kordhiso tallaabadeeda milatari ee gardarrada ah,” ayuu ka yiri shirkii wasiirrada arrimaha dibadda ee Ururka Koonfur-bari Aasiya (ASEAN) ee lagu qabtay magaalada Phnom Penh ee caasimadda Cambodia.

Waxa uu sidoo kale ku celiyay in siyaasadda Mareykanka ee Taiwan aysan isbeddelin, iyadoo ay jirto booqashada heerka sare ee ay jasiiradda Taiwan ku tagtay Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi.

Maaddaama Shiinuhu uu dhoolatus milatari oo gardarro ah ka wado meel u dhow xeebta Taiwan, aragtida Washington ayaa weli ah in madaxweyne Xi Jinping uu “xakameeyo” jawaabtiisa si uusan u hurin dagaal furan, kaas oo labada dhinac aysan rabin.

“Maraykanka iyo Shiinuhu ma laha saaxo siyaasadeed ama dhab ahaantii cilaaqaadkii iyo hababkii looga hortagi lahaa dhacdadan oo kale inay isu rogto qalalaase buuxa,” ayuu yiri Danny Russel oo ka tirsan Machadka Siyaasadda Bulshada Aasiya.

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ku Dhawaaqay Qorsho Ka Dhan Ah Maandooriyaha

Bnnstaff Bnnstaff

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Oo Muuse Biixi Ugu Warbixiyay Hawlaha Dekekada Berbera

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Amaanka Somaliya Oo Soo Afjaray Weerar Ay Alshabaab Ku Qaaday Hotel Xayaat Ee Magaalada Muwdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More