Wafti Ka Socda Somaliya Oo Gaadhay Dalka Uganda Iyo Ujeedada Socdaalka Waftigaasi

Wafdigan uu hogaaminaayo Wasiirka difaaca XFS Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ay wehiyaan taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Gacaliye ayaa gaarey magaalada kampalla e caasimadda Dalka Uganda.

Wafdiga ayaa waxaa lagu wadaa inay kulamo la qaataan madaxda iyo taliska ciidanka dowladda Uganda, iyadoo qorshuhu yahay Inta ay ku suganyihiin kampala in ay la kulmaan Wasiirka difaaca dalka Uganda iyo taliyaha ciidamada dalkaas.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka caalamiga ah ee Intebbe kusoo dhaweeyay madax ka socotay Wasaaradda gaashaandhiga dalka Uganda iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Uganda.

Dowladda Uganda ayaa waxa ay ka mid tahay dowladaha Soomaaliya ka taageera dib u dhiska ciidanka xoogga dalkeena Soomaaliya, iyadoo kumanaan ciidanka xoogga ka mid ah tababaro ku qaateen gudaha Dalka Uganda.

Related posts

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Shaqada Ka Joojiyay Gudiga Caymiska Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Deg Deg:- Wasiir Maxamed Kaahin Oo Shaaciyay In Uu U Taaganyahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Bnnstaff Bnnstaff

Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Natiijada Rasmiga Ah Ee Golaha Wakiilada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More