Mareykanka Oo War Kasoo Saaray Howlgalka Militeriga Shiinaha Ee Taiwan

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay dhoollatuska iyo dabridka militeriga Shiinaha uu maalintii labaad ka wado meelo u dhow jasiiradda Taiwan.

“Ficilka militeri ee Shiinaha waa mid aad u wayn, saamayn leh, si aan marmarsiiyo lahaynna u sii kicinaya xasarad,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken.
“Ma jiro wax lagu salayn karo ficillada ay sameeyeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Blinken oo ka hadlayay shirka dalalka Aasiya.

Shiinaha ayaa arrintan uga jawaabay booqasho ay Taiwan dhawaan ku tagtay Afhayeenka Golaha Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi. Booqashadaas oo ay xukuumadda Beijing ka digaysay in muddo ah ayaa horseedday howgallada militeri ee sida wayn khalkhalka u geliyay Taiwan.

Related posts

Maalin kasta Qof Soomaali Ah Ayaa Haraad Dartii u Geeriyooda ” Raysal Wasaare Rooble Oo Ka Hadly Xaalada Abaarta

Bnnstaff Bnnstaff

Dagaal Siyaasadeed Xukuumada Iyo Isbahaysiga Mucaaridka Somaliland Oo Meel Xasaasiya Maraya

Bnnstaff Bnnstaff

Ex Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo Ka Hadlay Digniinta Ka Soo Baxday Haayada Sirdoonka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More