Al-Shabaab Oo Weeraray Saldhig Ay Ciidamada ATMIS Ay Ku Leeyihiin Gobolka Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Hoiwgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Wararka ina soo gaaraya ayaa tilmaamaya in Ciidanka la wareeray ay yihiin Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Howgalka Midowga Afrika.
Al-Shabaab ayaa weerarka ku qaaday Saldhig ay Ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow oo hoostaga degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana dhacay dagaal Xooggan.

Dadka degaanka ayaa soo sheegay in ay maqlayeen jugta iyo dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanyeen.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay dagaalkaasi, sidoo kale ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac ee dagaalamay.

Related posts

Qaramada Midoobay Oo Shaacisay In Amniga Dal Ku Yaal Waqooyiga Afrika Uu Faraha Kasii Baxayo

Bnnstaff Bnnstaff

Taliska Ciidanka Xooga Dalka Somaliya Oo Ka War Bixiyay Khasaaraha Hawlgal Laga Fuliyay Shabeelaha Dhexe

Bnnstaff Bnnstaff

Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta Kenya Oo Kasoo Horjeestay In Wax Laga Baddalo Dastuurka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More