Qarax Ismiidaamin Ah Oo Lagu Weeraray Saldhig Ay Leeyihiin Ciidanka Dowladda

Qarax loo adeegsaday gaari xamuul ayaa waxyar ka dib salaaddii Jimcaha maanta lagu weeraray saldhig ay si ku meel gaar ah u degan yahiin ciidamada Gargor oo ku yaalla degmada Jawiil ee waqooyiga magaalada Baledweyne.

Gudoomiyaha degmada Jawiil Cabdulqaadir Cabdi Cabdullaahi, oo la hadlay VOA, ayaa sheegay in gaariga uu ku qarxay iridda hore ee xerada, wuxuuna intaas ku daray tiro koobka iyo faahfaahinta waxyeellada qaraxa ay dib kasoo sheegi doonaan.

Ciidamadan maanta qaraxa lagu weeraray ayaa ujeedada loo geeyay degaankaas waxay tahay in ay qeyb ka qaataan gulufka lagu doonayo in Al-Shabaab lagaga saaro degaano xuduudda u dhow oo bilahii ugu dambeyay in dhaqdhaqaaqyo ka wadeen.

Goobta maanta uu qaraxa ka dhacay ayaa ilaa 20 KM u jirta xadka Soomaaliya iyo Ethiopia

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa, waxayna sheegtay inay ku beegsatay “maleeshiyo loo abaabulayey inay la dagaalamaan” Al-Shabaab.

Related posts

Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Xayiraada Xukuumadu Ku Soo Rogtay Telefishanka CBA

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Dagaalka Maanta Ka Dhacay Laascaanood Guulna Ka Sheegtay

Bnnstaff Bnnstaff

Maayirka Borama Oo Ka Hadlay Rabshado Xalay Ka Dhacay Magaalada Borama

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More