Diyaarado Duqeyn Ka Geystay Degaano Katirsan Gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta diyaarado dagaal oo ay leedahay dowladda Itoobiya ay duqeyn dhinaca cirka ah ka geysteen degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolkaasi Hiiraan.

Diyaaradaha ayaa duqeymaha sigaar ah uga geystay buurta surtaag oo ku aadan deegaanka bacda iyo degaannada Qabno iyo Coowmaad oo kuyaalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Mataaan & Maxaas, halkaas ay fariisin ku leeyihiin Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, sida dadka degaanka ay sheegeen.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay inay maqlayeen dhawaqa weerarka duqeynta ah , balse ilaa iyo hadda aysan cadeyn karin khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay duqeyntaas.

Degaanada duqeynta Maanta laga fuliyay degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa u dhow degaano ay dhawaan howlgallo ka fuliyeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu horkacayay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Dowladda Itoobiya ayaa duqeyn dhinaca cirka ah ka bilaawday gudaha Soomaaliya tan iyo markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degaano katirsan dhulka dowlad degaanka Soomaalida oo ay maamusho Itoobiya.

 

Related posts

Dhaqaalaha Uu Soo Saaro Tareenka Itoobiya Iyo Jabuuti Oo La Shaaciyay

Bnnstaff Bnnstaff

Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Rabshadihii Ka Dhacay Magaalada Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

Akhriso:-Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Dalka Itoobiya Oo Cakiran

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More