Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Doorashada Dalka Kenya Oo Ay Ka Hadhantahay Wax Ka Yar 24 Saacadood

Iyadoo wax ka yar 24-saacadood ay ka harsanyihiin doorashada guud ee Kenya ayaa weli socda safarka ay dadku kaga baxayaan magaalooyinka waaweyn ee dalka oo ay dadku ku sii qulqulayaan degmooyinka ay si ay codkooda uga dhiibtaan deegaannada ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Magaalada Mombaasa ayaa ka mid ah meelaha laga dareemayey safarradaas halkaas oo ay ku nool yihiin dad badan oo Soomaali ah waxa se jira kuwo badan oo aan ka bixin magaalada.
Deegaannada ku yaalla xadka Kenya iyo Soomaaliya ee hoos yimaada deegaanka Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari kenya ayaa waxaa ka socda diyaar garowga, iyadoo qalabkii codbixinta halkaasi lagu geynayo diyaarado.

Dad gaaraya ilaa 40,000 ayaa la sheegay inay codkooda ka dhiibanayaan doorashada berri.

Related posts

Ururadii Siyaasada Somaliland Oo Shiray Iyo Qodobo Adag Oo Ay Ka Soo Saareen Muranka Doorashada

Bnnstaff Bnnstaff

Waddankii Ay ku Dagaallami lahaayeen Zuckerberg iyo Elon Musk oo La Shaaciyey

Bnnstaff Bnnstaff

Tahriibayaal Ku Geeriyooday Xeebaha Dalka Turkiga Iyo Tirada Dadka Dhintay Oo La Shaaciyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More