Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Ka Qeyb Galaya Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya Iyo Uganda

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah kujooga dalka Uganda ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan oo badankood looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya, kuwaas oo uu la qaatay Madaxda dalkaasi qaarkood.

Madaxweynaha ayaa Maanta ka qeyb geli doona madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca waxsoosaarka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona qaar kamid ah Soomaalida kunool dalka Uganda, isaga oo ka dhageysan doona warbixino ku saabsan xaaladaha ay ku nool yihiin iyo hadii ay jiraan dhibaatooyin ay qabaan.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya oo muddo Saddex cisho ah qaadan doonta ayaa dalka dib ugu soo laaban doona, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in safarka xiga uu ku tegi doono dalka Qatar.

Related posts

Xoogaga Falastiiniyiinta Oo Xabsiga Dhigay Siyaasiyiin Ka Qayb Galay Heshiiskii Yuhuuda Iyo Imaaraadka

Bnnstaff Bnnstaff

” Anuu Diinta Maan Caayin, Laakiin Waxaan Ku Idhi………” Xildhibaan Indho Indho

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladaha Kenya Iyo Maraykanka Oo Kala Sexeexday Heshiis Cusub Oo Dhanka Difaaca Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More