Israa’iil Oo Sheegtay Inay Sarkaal Sare Ku Dishay Daanta Galbeed

Militeriga Israa’iil ayaa sheegay in madaxii deegaanka ee dagaalyahannada falastiiniyiinta ee guutooyinka Shuhaddada Al-Aqsa lagu dilay howlgal ay Israa’iil ka fulisay Daanta Galbeed ee la haysto.

Ibrahim Nabulsi, ayaa aaskiisa waxa uu ka dhacay isla daanta galbeed.

Meydka wiilkan 23 jirka ah oo lagu duuduubay calanka Falastiin, ayaa waxaa lagu dhex waday dad badan oo taageere u ahaa oo ku sugnaa magaalada Nablus.
Ibraahim Nabulsi, oo ah hogaamiyaha kooxda ayaa baxsad ahaa muddo bilooyin ah, oo ay Israa’iiliyiintu ku eedeynayeen inuu geysanayay weerarro.

Labo kale oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarka ay Israa’iil ku qaaday gurigiisa.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in afartan qof oo rayid ah ay sidoo kale ku dhaawacmeen.

Related posts

Isbedeladii Ugu Dambeeyay Ee Colaada Ka Aloosan Itoobiya Iyo Sirta Ka Dambaysa Guusha Abiy Ahmed

Bnnstaff Bnnstaff

Muuse Biixi Oo Taaheerayaasha Xisbiga Kulmiye Kula Hadlay Fagaaraha Khayriyada Burco

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Axmed Madoobe Oo Xilkii Ka Qaaday Taliyeyaal Kuwa Kalena Magacaabay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More