Faaf Faahin: Dagaal U Dhexeeya Ciidanka Dowladda Iyo Al-Shabaab Oo Ka Dhacay Gobalka Hiiraan

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya agaal culus oo Gobolka Hiiraan ku dhex-maray dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamada deegaanka ee Macawiisleeyda oo garab ka helaya ciidamada dowladda, waxaana la helayaa warar dheeraad ah oo ku aaddan dagaalkasi.

Wararka waxaa ay tilmaamayaan Al-Shabaab iyo ciidamada deegaanka ee Macawiisleeyda oo garab ka helaya ciidamada dowladda uu dagaal ku dhex-maray deegaanka Fiiq-fiiq oo u dhaxeeya Takaraale iyo Libile isla markaana hoostaga degmada Matabaan ee Waqooyinka Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa haa mid xooggan, waxaana wararku ay tilmaamayaan in uu ka dhashay khasaare xooggan oo dhinacyada dagaalamay soo kala gaaray.

Dadka degaanka aaa soo sheegaya in ay maqlayeen dhawaqa rasaas xooggan oo labada dhinac ay isu-adeegsanayeen.
Sidoo kale wararku waxaa ay sheegayaan in isla Gobolkaasi uu dagaal ku dhex-maray Al-Shabaab iyo Ciidanka Dowladda, gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad Danab iyo ciidamada deegaanka ee Macawiisleeyda oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiyaha iyo Ciidanka la socday ayaa ayaa la sheegay in dagaal uu ku qabsaday deegaanka Hees oo hoostaga degmada Matabaan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan, oo labada dhinac ay saacado ku dagaalamayeen, sida ay sheegen dad goobjoogayaal ah.

Wali lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashayd gaalkaasi, waxaana adag in la ogaado khasaaraha, sidoo kale saraakiisha Ciidanka hoggaaminaysa wax war ah kama soo saarin dagaalkaasi, balse wararka ayaa tilmaamaya in dagaalkaasi uu khasaaro ka dhashay, maaddama uu ahaa dagaal xooggan.

Gobolka Hiiraan dhawaanahaan waxaa ka dhacayay dagaallo u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Macawisleyda oo isku dhinaca iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

 

Related posts

Daawo: Hadal Jeedinta Murashax Pof Cabdi Ismaciil Samatar Ee Doorashada Xubnaha Golaha Aqalka Sare Ee Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Shan Cashir Oo Uu Mareykanka Illaawi Doonin Oo Uu Ua Bartay La Dagaalanka Islaamiyiinta

Bnnstaff Bnnstaff

Nimcaan Hilaac iyo Xildhibaan Fiqi Oo Jawaab Cajiib Ah Siiyey ‘Barkhad Batuun Oo Dhiiqo Lugaha Lagalay’

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More