Dad Ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Goob Ay Ka Socotay Xaflad Aroos Duleedka Afgooye

Rag la sheegay inay ku hubeysnaayeen Qoryaha AK47 ayaa weerar ku qaaday Goob ay ka socotay Xaflad Aroos oo kutaalla Tuulada Cadayleey oo u dhow degaanka Buulalow oo hoostaga degmada Afgooye, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho & dhaawac.

Inta la xaqiijiyay weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay 5 Ruux halka Sagaal kale ay ku dhaawacmeen, iyada oo dadka ku dhaawacmay weerarka la geeyay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamo katirsan laamaha Amniga degmada Afgooye ay gaareen goobtii uu ka dhacay weerarka, iyaga oo sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay wallow aysan dad u qaban.

Qaar kamid ah ehellada dadka weerarkaas ku dhintay ayaa aad uga naxay, iyaga oo dalbaday inay cadaalad u helaan dilka loo geystay dadkooda, waxaana falkaan weli ka hadlin laamaha Amniga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhawaan ayay aheyd markii sidaan oo kale rag hubeysan ay weerar ku qaadeen Goob ay ka socotay xaflad Aroos oo kutaalla duleedka degmada Cabudwaaq, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Related posts

Ethiopia:- Tiro Macda Qodayaal Ah Oo Ku Dhintay Gudkii Ay Macdanta Ka Qodayeen Oo Ku Dumay

Bnnstaff Bnnstaff

Taiwan Oo Sheegtay In Marnaba U Hogaansami Doonin Cadaadis Kaga Yimaada Shiinaha.

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Jubaland Oo Taageeray Banaanbaxa Ay Ku Baaqeen Midawga Murashaxiinta Mucaaridka Ah Ee Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More