Dagaal Dhexmaray Soomaalida Iyo Canfarta Iyo Khasaaro Ka Dhashay

Maleeshiyaad iyo Ciidamo katirsan Maamulka Canfarta ee dalka Iroobiya ayaa weerar ku qaaday dad Shacab Somaali ah oo degan Galbeedka Gobolka Siti Gaar ahaan Magaalada cundhufo iyo Nawaaxigeeda.

Dagaal xoogan oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dhexmaray maleeshiyaadka canfarta oo kamid ah qowmiyadaha Itoobiya iyo dadka degaannada ay weerareen oo hubka u qaatay inay iska difaacaan.

Wararka la helay ayaa sheegaya in sidoo kale weerar kale uu ka dhacay Magaalada dan lahelay, waxaana dagaalada labada dhinac inta la xaqiijiyay ku geeriyooday ku dhawaad 10 Ruux tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in maleeshoyaadka Canfarta ay gubernatorial guryo ay deganaayeen dad Shacab ah, waxaana dagaalka ku biiray oo dadla Shacabka ah difaacayay ciidamada liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida, iyaga oo maleesgoyaadks canfarta ka saaray goobihii ay soo weerareen.

Related posts

Ka Faa’idayso Fursad Qaaliya Oo Gurigaaga Ku Baro Quraanka Kariimka

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Oo Sheegay Inay Halis Kujiraan Kaalmada Iyo Howlaha Deyn Cafinta Ee Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Dagaal Khasaaro Dhaliyay Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Matabaan Ee Gobolka Hiiraan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More