Mareykanka Oo Dacwad Ku Soo Oogay Nin u Aargudi Rabay Qaasim Suleymani

Mareykanka ayaa nin u dhashay dalka Iran ku soo oogay dacwad ah inuu qorsheynayay inuu dilo la taliyihii hore ee amniga qaranka Trump John Bolton.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Shahram Poursafi, oo xubin ka ah Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRG), uu ku sugnaa Iran isla markaana loo doondoonayay shirqoolka uu sameeyay ee lagu eedeeyay.

Waxa ay sheegeen in Mr Poursafi ay u badan tahay inuu doonayay inuu u aargudo weerarkii Mareykanka ee lagu dilay Qaasim Suleimani, oo ahaa taliyihii ugu awoodda badnaa militariga Iran.

Iran ayaa iska fogeysay eedeymaha loo jeediyay.
Suleimani ayaa hormuud ka ahaa howlgallada ciidamada Iran ay ka wadaan bariga dhexe.Wuxuu ahaa nin si aad ah looga qadariyo gudaha Iran.

62-jirkan ayaa madax ka ahaa ciidamada Quds ee ugu sarreeya IRG. Waxaa lagu dilay garoonka diyaaradaha ee Baqdaad ee Ciraaq bishii Janaayo sanadkii 2020 weerar uu amray madaxweyne Donald Trump.

Afhayeen u hadlay dowladda Iran ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in eedeymahaasi ay yihiin “kuwo aan sal iyo raad lahayn”.

Waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa sheegtay in Mr Poursafi, aka Mehdi Rezayi, oo 45 jir ah, una dhashay Iran uu isku dayay inuu shaqsiyaad Mareykanka ah siiyo 300,000 oo doolar si uu uga fuliyo dilka Washington DC ama Maryland.

Eedeymahan ayaa faahfaahinaya sida uu sarkaalka Iran u dhashay uga codsaday muwaadin Mareykan ah oo uu khadka kula kulmay inuu sawirro ka qaado Mr Bolton. Dad aan magacooda la sheegin ayaa markaa kadib Mr Poursafi u gudbiyay shaqsi kale kaas oo markii dambe laga codsaday inuu dilo Mr Bolton uuna keeno cadeymo muuqaal ah oo ku saabsan dilka.

Bayaan uu soo saaray ayuu Mr Bolton ugu mahadceliyay FBI-da iyo waaxda cadaaladda shaqada ay qabteen.

“Waaxda cadaalada waxaa saaran waajib adag in ay muwaadiniinteena ka difaacdo dawladaha cadawga ah ee doonaya in ay dhaawacaan ama dilaan,” ayuu yiri kaaliyaha xeer ilaaliyaha guud Matthew G Olsen.

“Tani maaha markii ugu horeysay ee aan daaha ka qaadno qorsheyaal Iran ay damacsan tahay inay kaga aargoosato shaqsiyaadka ku sugan dhulka Maraykanka, waxaanan si hagar la’aan ah uga shaqayn doonnaa inaan soo bandhigno oo aan hor istaagno mid kasta oo ka mid ah dadaalladaas.”

Markii la dilay Jeneraal Suleimani waxaa si weyn loogu arki jiray shaqsiga labaad ee ugu awoodda badan Iran, isagoo ka dambeeyay Ayatollah Ali Khamenei. Ciidanka Quds, oo ah unug sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa si toos ah uga warbixiyey Ayatollah, waxaana Suleimani lagu ammaanay inuu ahaa geesi qaran.Balse Maraykanka ayaa ciidamada Quds u aqoonsaday argagixiso wuxuuna u haystaa inay mas’uul ka yihiin dhimashada boqollaal askari oo Maraykan ah.

Related posts

Itoobiya Oo Ka Hadashay Isbaheysiga Ka Dhanka Ah Ee Lagaga Dhawaaqay Mareykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Dacwad Ka Dhan Ah Fahad Yasiin Oo Loo Gudbiyay Maxkamada Ciidamada Qalabk Sida Ee Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Masuul Katirsanaa Dowladda Kenya Oo La Dilay Iyo Al-Shabaab Oo Sheegtay Dilka Masuulkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More