Borama News Network

Raysal Wasaare Xamsa: “Waxa Aan u Heellannahay In Aan Hubino Badbaadada Iyo Amniga Baddeena”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay in ay xoogga saarto ilaalinta badda iyo sare u qaadista tayada ciidamada u xilsaaran arrimaha Badda si looga hortagayo dambiyada ka dhaca.

Xamsa Cabdi ayaa intaas ku daray in marba marka dambeeya in Soomaaliya ay sare usii qaadayso awoodda Ciidamada Badda iyo ilaalada Xeebaha ee la howlgalla Midowga Yurub oo ka taageera dhinacyo kala duwan.

Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in kahortagga burcad badeedda, kalluumaysiga sharci darrada ah & dhacdooyinka kale aanay wanaagsanayn ee dhinaca badda ay muujinayaan halis u baahan in laga hortago.

“Waxa aan u heellannahay in aan hubino badbaadada & Amniga Baddeena, si aan uga qaybqaadano barwaaqada & xasiloonida Gobolka iyo Amniga Badda, si loo helo mustaqbalka amni & Barwaaqo waa in aan wadajir u shaqaynaa dhinacyada taageerrada na siinaya” Ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre.

Soomaaliya waxaa xeebaheeda jooga Maraakiib ku doodaya in ay la dagaalamayaan Kooxaha Burcad Baddeeda oo sanadihii u dambeeyay aad usii yaraanayay khatartooda, waxaana geeska kale socda kalluumaysi sharci-darro ah inkasta oo Dowladdu digniin xooggan kasoo saartay.

Related posts

Ethiopian Airlines Oo Sheegtay Wixii Ay Hawada Kala Kulantay Sabtidii Iyo In Ay ‘Isku Dhici Gaadheen’ Qatar Airways

Abdiaziz Bnnstaff

prof Samatar Oo War Ka Soo Saaray Natiijadii Doorashada

Abdiaziz Bnnstaff

Magaaladii Loo Dalxiisi Jaray Ee Maraykanka Oo Laga Qaxay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Dabkaasi

Abdiaziz Bnnstaff