Soomaaliya Oo Warbixin u Gudbisay Ururka Iskaashiga Islaamka

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhanbaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Xoghayaha Guud Ururka Iskaashiga Islaamka Xuseen Ibraahim Dhaaha.

Kulanka labada mudane oo ka dhacay xarunta Ururka (OIC) ee ku taalla magaalada Jeddah ee dalka boqortooyada Sacuudiga, ayuu ergaygu uga warbixiyey Xoghayaha Guud inta uu la egyahay xaddiga abaaraha ba’an ee ka jira xilligaan Soomaaliya, isagoo la wadaagay sida ugu habboon ee ay dalalka Islaamka kaga qayb-qaadan karaan gurmadka abaaraha.

Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamku ayaa dhankiisa muujiyey walaaca ay ka qabaan saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay ka go’an tahay dhaqan galinta qaraarkii ka soo baxay Kalfadhigii Afartan iyo Siddeedaad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda ee (OIC) ay horraantii sanadkaan ku yeesheen Islamabad ee ahaa garab istaagga Soomaaliya.

Ergayga iyo Xoghaya ayaa isla gartay talaabooyin lagu dardargelinayo gurmadka abaaraha, sarana loogu qaadayo wacyi ku aadan xaalada abaarta ka taagan Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd aas-aasayaashii (OIC) oo hadda ka kooban 57 Dowladood, waxa ay had iyo jeer maqaam sare ku lahayd ajandayaasha Ururka, kaasoo qudhiisu si firfircoon uga qayb qaaday teegeerada iyo dadaallada muddada socda ee lagu baadi goobayo in mar kale Soomaaliya ku gaarto nabad iyo xasillooni, si buuxdana ugu istaagto cagaheeda.

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadley Shirkii Uu Shalay Ka Baxay Safiirka Somaliya Ee Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Caafimaadka Somliya Oo Xildhibaanada Golaha Shacabka Ugu Warbixisay Saamaynta COVID 19

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe “Labadii Xisbiga Ee Kale Waxay Noqdeen Xisbiyo Qabiil “

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More