Madaxweyne Qoor Qoor Oo Sheegay In Galmudug u Baahan Tahay Xasilooni Amni Iyo Mid Siyaasadeed

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay in dad Reer Galmudug ay u baahan yihiin waxkasta oo keeni kara in uu horumaro Maamulkooda.

Wuxuu sheegay in dal waliba ama degaan kasta markii la doonayo in la maalgashado laga fiiriyo xasiloonidiisa siyaasadeed, Isla markaana reer Galmudug u baahan yihiin xasilooni siyaasadeed & mid amni.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray Madaxweyne Qoor Qoor in dadka looga baahan ay noqdaan kuwa u hoggaansama sharciga si Galmudug ay u noqoto meel dadka ku kalsoon yihiin.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug wuxuu sheegay in dadka wax heysta uu ugu baaqayo inay u soo gurmadaan dadka walaalahoida ah ee abaartu ku heysato degaannada Maamulka Galmudug.

Hadalkan ayaa Madaxweyne Qoor Qoor wuxuu ka sheegay munaasabad lagu xusayay 16 sano guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskii Maamulka Galmudug, taas oo lagu qabtay Magaalada Cadaado

Related posts

Guri Uu Leeyahay Ciyaaryahanka Maxamed Saalax Oo Dhac Loo Gaystay Iyo Jahwareer Ka Dhashay Kiiskaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Dhacdo Naxdin Leh:- Hooyo Afar Caruur Ah Oo Ay Dhashay Guri Ku Gubtay

Bnnstaff Bnnstaff

Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dagaalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More