Maxay Yihiin Farriimaha Ay Isku Direen Vladimir Putin Iyo Kim Jong-un?

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ballan qaaday “in uu ballaarin doono xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya” Kuuriyada Waqooyi.

Warqad uu u diray dhiggiisa dalkaas, Kim Jong-un, oo uu ku aaddiyay xuska maalinta xoreynta Pyongyang, ayuu Putin ku sheegay in tallaabadan ay noqon doonto mid ay labada dalba dan ugu jirto.

Warqad jawaab ah ayuu Kim isagana dhankiisa ku sheegay in saaxiibtinnimada labada qaran ay soo billaabatay markii Japan looga guulaystay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Waxa uu intaas ku daray in “saaxiibtinnimadooda” ay sii xoogaysan doonto.
Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ayaa shaacisay xogta ku jirtay warqadaha ay isku direen madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin iyo dhiggiisa Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Wakaaladda Wararka ee KCNA ayaa sheegtay in Kim uu u sheegay Putin in wadashaqaynta ka dhaxaysa Moscow iyo Pyongyang ay sii waynaan doonto.

Kim waxa uu sheegay in xiriirka labada dal uu sal adag ku yeeshay dagaalkii ka dhanaka ahaa Japan, uuna sii adkaanayay qarniba qarniga ka dambeeya.
Warqadda uu u diray Putin ayuu sidoo kale ku sheegay in iskaadhiga dhanka farsamada, caawinaadda iyo naxariista ka dhaxaysa labada dal “ay heer sare sii gaartay, xilli ay leeyihiin cadow isku mid ah, oo ay khatar uga imaanayso militeriga dalalka kasoo horjeeda”.

Xukuumadda Pyongyang ma aysan magacaabin ciidamada cadowyga ah ee ay soo hadal-qaadday, balse eraygaas waxay Kuuriyada Waqooyi si joogto ah ugu isticmaashaa marka ay ka hadlayso Mareykanka iyo xulafadiisa.

Midowgii Soviet ee uu Ruushka hoggaaminayay ayaa mar xulafo wayn la ahaa Kuuriyada Waqooyi, oo uu la wadaagi jiray wadashaqeyn dhaqaale, is-dhaafsi dhaqan iyo caawin.

Balse, xiriirka labada dhinac ayaa hoos u dhacay wixii ka dambeeyay burburkii Daahii Birta ahaa, oo ah xilligii ay labo dhinac u kala jabtay siyaasaddii Yurub, laga soo billaabo dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka ee 1945-kii ilaa markii lasoo afjaray Dagaalkii Qaboobaa sanadkii 1991.

Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa si tartiib tartiib ah xiriirkooda u soo xoojinayay tan iyo horraantii 2000.

Bishii Luulyo, Kuuriyada Waqooyi waxa ay ka mid ahayd dalalka tirada yar ee sida rasmiga ah u aqoonsaday labada gobol ee Ruushku uu taageero ee ka goostay Ukraine, kuna dhawaaqay dowlad u gaar ah, kaddib markii ay Moscow u aqoonsatay inay madaxbannaan yihiin.

Dowladda Ukraine oo tallaabadaas ka carootay, dagaalna kula jirta Ruushka kusoo duulay dalkeeda, ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Pyongyang.

Labada dal waxay wadaagaan in ay siyaasad ahaan isaga soo horjeedaan dalalka Reer Galbeedka oo uu ugu horreeyo Mareykanka. Hanjabaado dagaal ayay marar badan iswaydaarsadeen Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, iyadoo dhanka Ruushkana ay dalalkaas ku sii kala fogaadeen dagaalka Ukraine.

Related posts

Golaha Ammaanka Oo Ku Dhawaaqay In Dowladda Cusub Kala Shaqeynayaan Curyaaminta Dhaqaalaha Al-Shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Digniin Culus U Diray Xoogaga TPLF Oo Qabsatay Magaalo Muhiin Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Qarax Khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Magaalada Marka Ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More