Raila Oo Shuruud Ku Xiray Tagista Goobta Lagaga Dhawaaqayo Natiijada Doorashada

Wakiilka madaxa doorashada ee Raila Odinga, kaasoo la yiraahdo, Saitabao Kanchory, ayaa sheegay in kooxdiisu aysan awoodin inay xaqiijiyaan qaar ka mid ah natiijada doorashada.

Wuxuu intaa ku darey, mar haddii arrini sidaasi tahay, aanay ka codsan doonin musharaxooda madaxweynenimo inuu yimaado xarunta lagu ururinayo natiijada doorashada guud ee dalka Kenya.

Warbixin kooban oo qayb kamid ah loo oggolaadey iney arkaan warfidiyeenada maxaliga ah, ayuu ku sheegay inay jiraan khaladaad dhanka doorashada ah.

Kanchory ayaa waxaa garab taagnaa qaar kamid ah hoggaamiyayaasha isbaheysiga, Azimio ee Mr Odinga, barasaabka Kisumu, Anyang Nyong’o, iyo barasaabka la doortay ee Siaya, James Orengo.

Related posts

Waxaan Saluugsanahay Halka Aynu Dhignay 26 Juune”Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Khilaafka Siyaasadeed Ee Somaliya Iyo Arimaha Doorashooyinka

Bnnstaff Bnnstaff

Beesha Caalamka Cadaadisyo Kala Duwan Saaaraysa Madaxda Dowlada Somaliya Iyo Maamul Goboleedyada

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More