Bankiga Horumarinta Islaamka Oo Soomaaliya Ka Taageeraya Caawinta Dadka Abaaruhu Saameeyen

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Bankiga Horumarinta Islaamka Dr. Zamiir Iqbal.

Labada masuul ayaa ka wada-hadlay sida uu Bankiga Islaamka gurmad degdeg ah oo maaliyadeed iyo kaalin qareemid uga gaysan lahaa abaaraha daran ee xilligaan ka taagan dalkeenna Soomaaliya.
Dr. Zamiir Iqbal oo ah ku simaha Madaxweynaha (IsDB), ayaa ballan qaaday in Bankigu uu Dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doono Gurmadka Abaaraha iyo guud ahaan dadaallada looga hor tagayo in abaartu isku baddesho macluul laga soo waaqsan waayo.

Bankiga ayaa dhawaan u gurmaday bulshada nugul ee abaaraha iyo colaadahu saameeyeen ee Afgaanistaan, si loo daboolo baahiyaha bani’aadannimo ee degdega ah.

Related posts

Mareykanka Oo Soo Fara-Geliyay Xiisada Siyaasadeed Ee U Dhexeeysa Soomaaliya Iyo Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

Loolanka loogu jiro Cida Noqonaysa Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Oo Dib u bilaamay .

Bnnstaff Bnnstaff

Joe Biden Oo Sheegay In Maamulkiisu Ka Hadli Doono Xaaladaha Dalka Sucuudiga Iyo Dilkii Jamaal Khashoggi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More