Wafdi Ka Socda Somaliya Oo Ka Qeyb Galaya Shirka Dhamaystirka Deyn-Cafinta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Istanpul ee dalka turkiga waxaa ay uga qeyb galayaan shirka dhamaystirka Deyn-Cafinta ee Soomaaliya iyo Hay’adaha dhaqaalaha caalamka oo ay hoggaan u tahay IMF.

Shirka oo uu sidoo kale goojoog ka yahay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Duceele beyle ayaa inta uu socdo lagu lafa-guridoonnaa dib-u-habeynta Maaliyadda, iyo shaqooyinka muhiim ka u ah Horumarinta dhaqaalaha dalka oo ay ka mid tahay kobcinta Dakhliga gudaha.

“Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an ka guul-gaaridda Horumarinta maaliyadda oo ku dhisan mistaqbalka wanaagsan ee Bulshada Soomaaliyeed ayuu yiri” Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Geba-gabada shirka ayaa waxaa la filayaa in dhinacyada ay soo saaraan warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku lafa-gureyn shirka, sidoo kale mas’uuliyiinta ka socota Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa kulamo gooni gooni ah la qaadan doona madaxda ka qeyb galeysa shirka

Related posts

Madaxwaynaha Maamulka Horshabeele Oo Kulan La Qaatay Gudiga Doorashooyinka Iyo Xalinta Khilaafaadka

Bnnstaff Bnnstaff

Dhowr Qof Oo Ku Geeriyootay, Dhugariir Mar Kale Ka Dhacay Dalka Türkiga

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Oo Ka Hor Yimid Baaritaan La Doonayay In Lagu Sameeyo Xasuuqii Gaza

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More