Raila Odinga Oo Qaadacay Natiijadii Doorashadii Kenya Dacwadna Gudbinaya

Khuburada falanqeysa siyaasadda, ayaa sheegay in haatan wixii ka danbeeya la filayo in dacwad loo gudbiyo Makamadda Sare ee Kenya, taasoo daba socota diidmadii guud ee Raila Odinga, ee natiijada madaxtinimada.

Waxey haystaan kooxda Raila illaa iyo isniinta, oo ah toddobo maalmood, kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada.

Odinga ayaa hadda ka baxay shirka jaraa’id ee uu ku qabtay magaalada Nairobi, isagoo eedayn kulul u jeediyay guddoomiyaha guddiga doorashada, Wafula Chebukati.

Wuxuu ku eedeeyay inuu doorashada u maamulo sidii kaligii talis iyo caga jugleyn.

“Si loogga fogaado shakiga, waxaan rabaa in aan ku celiyo: Waxaan si buuxda oo aan gabasho lahayn u diidnay natiijadii madaxtinimo ee uu shalay ku dhawaaqay [gudoomiyaha guddiga doorashada] Mr Chebukati,” ayuu yiri Odinga.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey guddoomiyaha doorashada inuu caga jugleyn ku hayo murashaxiinta doorashada, ee ay is khilaafeen.

Related posts

Nin Kufsi Iyo Dil U Geystay Gabar Yar Oo 8-Sanno Jir Ah Oo Gacanta Lagu Dhigay

Bnnstaff Bnnstaff

Ra’iisulwasaraha Uk oo Cambaareeyay Falal Lagula Kacay Ciyaaryahano Caan ah

Bnnstaff Bnnstaff

Gabadh Saaxiibkeed Heshiis Guur Kaga Baxday Oo Ay Maxkamad Xukuntay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More