Qarax Khasaare Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Masjid Ku Yaalla Dalka Afgaanistaan

Qarax weyn ayaa ka dhacay masjid ku yaalla caasimadda dalka Afgaanistaan ee Kabul, sida ay booliisku sheegeen.Qaraxan ayaa loo malaynayaa inuu dhacay salaaddii maqrib, iyadoo laga cabsi qabo inuu jiro khasaare badan, inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah.

Khaalid Zadran oo ah afhayeenka ciidamada Taalibaan ee magaalada Kaabul oo ay soo xiganeyso warbaahinta gudaha ayaa sheegay in qarax uu ka dhacay xaafadda 17-aad ee magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay uu ku jiro imaamkii masjidka.Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray.

Adeegga gurmadka deg-degga ah, isbitaal ku yaalla Kabul, ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray in 27 qof “la geeyay isbitaalka ka dib markii uu qarax ka dhacay aagga PD17”.

“Shan caruur ah ayaa ka mid ah, oo uu ku jiro ilmo toddobo jir ah,” ayaa intaa la raaciyay.Toddobaadkii hore wadaad caan ah oo taageersan Taliban ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah, oo sidoo kale ka dhacay Kabul. Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Related posts

Barkhad Batuun Cidna Lacag Muu Waydiisan ” Abwaan Yusuf Caashir Oo U Jawaabay Wasiir Khadiija

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Oo Ku Tilmaamay Dhoolatuska Ciidanka Shiinaha Daadaansi

Bnnstaff Bnnstaff

Buug Uu Qoray Sheekh Dirir Oo Lagu Soo Banshigay Magaalada Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More