Saameyn Ka Dhalatay Roobka Ka Da’ay Muqdisho Iyo Maamulka Gobolka Oo Ka Hadlay

Xalay ayaa waxaa Magaalada muddo dhowr saacadood ah ka da’ay roob saameyn ballaaran ku yeeshay qoysas danyar ah oo ku nool degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir, iyada oo dadka qaar ay ka barakaceen Roobka.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan inay jiraan qoysas danyar ah oo Roobka Guryahooda galay, isla markaana ay sababtay inay barakacaan si saameyn kale uusan ugu yeelan, waxaana sidoo kale uu Roobka xiray wadooyin muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho.

Guddoomiye kuxigeenka howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Eng Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in dadka Muqdisho uu saameyn ballaaran ku yeeshay roobkii xalay dhowrka saacadood ka da’ayay Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in ilaa iyo hadda Maamulka Gobolka Banaadir uusan soo gaarin khasaaro nafeed oo ka dhashay roobka marka laga reebo Guri ku yaalla degmada Howl-Wadaag, balse aan wax khasaaro ah geysan,waxaana Bulshada wax heysanata uu ugu baaqay inay u gurmadaan dadka danyarta ah.

Marka uu Roobka ka da’o Magaalada muqdisho ayaa waxaa uu saameynta ugu daran ku yeeshaa Guryaha ay degan yihiin Qoysaska danta yar iyo

wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho, kuwaas oo qaarkood horay u bur bursanaa.

Xafiiska  Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Gudoomiyayaasha Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliya Oo Gaadhay Magaalada Garoowe

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Trumap Oo Ka Badbaaday Sun Loo Soo Waday Iyo Qaabka Loo Qabtay Suntaasi

Bnnstaff Bnnstaff

“Waxaan Xal Uheli Doona Arinta Cakiran Ee Somaliland Iyo Somalia Hadaan Ku Guuleysto Madaxweynaha” Murashax Bashiir Cali

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More