Madaxweynaha Puntland Oo La Dagaalanka Al-Sabaab Kala Hadlay Saraakiil Itoobiyan Ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan ciidamada dalka Itoobiya iyo Qunsulka Itoobiya ee Puntland Dagnachew Yitbarak.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee dhanka Amaanka, la-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada iyo sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa wax kasta oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada.

Kulanka oo uu Madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayna qayb ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dimuquraadiyaynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta DPL Sareeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere, Taliye Xi-geenka ciidanka Daraawiishta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa sidoo kale looga hadlay iskaashiga ganacsi ee labada dhinac iyo isu socodka dadka.

Saraakiisha ka socotay dowladda Itoobiya ayaa hory u tegay Magaalooyinka Baydhabo Hargeyso iyo Beledweyne, waxaana arrintaan la sheegay inay salka ku heyso weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen degaano kamid ah dhulka dowlad degaanka Soomaalida.

Related posts

Xildhibaan Guruuje Oo Ka Hadlay Dacwad Laga Gudbiyay Ciidamo Joojiyay Xaflad Lagu Taageerayay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Waramay Xaalada Abaarta Ee Deegaanada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Sheikh Shaakir Oo Markii Ugu Horreysay Warbaahinta La Hadlay Tan Iyo Markii Guriceel Lagala Wareegay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More