Alshabaab Oo Madaafiic Ku Garaacday Magaalada Dhuudamareeb

Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay saqdii dhexe ee xalay weerar ku qaadeen garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb.

Kooxda ayaa madaafiic ku garaacay saldhiga Ciidamada AMISOM gaar ahaanna kuwa Jabuuti ku leeyihiin gudaha garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb waxaana la soo weriyay in madaafiicda qaarkood ku dhaceen gudaha garoonka.

Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in ay saqdii dhexe ee xalay maqlayeen dhawaqa madaafiicda Al-shabaab ku garaacaysay gudaha garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada Jabuuti.

Sidoo kale Ciidamada ayaa la sheegay in ay jawaab-celin ka bixiyeen weerarka Al-shabaab inkastoo aan faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay weerarka

Xafiiska Wararka  BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Israsaaseyn Ka Dhacday Magaalada Garoowe Iyo Taliska Booliska Oo Ka Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

Soomaaliya Oo Tallaabo Kale u Qaadday Geeddi-Socodka Deyn Cafinta

Bnnstaff Bnnstaff

Dil Toogasho Oo Ka Dhacay Badhtamaha Magaalada Burco Iyo Taliska Boolisk Burco Oo Ka Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More